Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI Oo Caddeeyay in Ciddii Jabisay Ciidanku uu yahay Madaxweyne Muuse

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga WADDANI oo Caddeeyay in Ciddii Jabisay Ciidanku uu yahay Madaxweyne Muuse
Screenshot_20230909_164446_Chrome-300x14

Hargeysa(Qaran news)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland inuu ahaa qofka koowaad ee jabiyay ciidanka Qaranka.

Sidaasba waxa sheegay Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WAADANI, Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, waxaanu tilmaamay in madaxweyne Muuse uu yahay cidda koowaad ee horseeday jabka soo gaadhay Ciidanka Qaranka, wuxuuna xusay in ciidanka Somaliland ahaa ka ugu dhisan Soomaalida, hase ahaatee hoggaan xumadii Xukuumaddu ay keentay dhibta soo gaadhay.

“Muuse iyo xukuumadda Kulmiye ayaa Qarankii dhulka jiiday. Golaha Wakiilada JSL waa in uu degdeg guddi baadhis ah u saaraa. Waxa kale oo ayaan darro in Nuux Taani weli ciidanka ka hor khudbadaynayo,” ayuu yidhi Xoghaye Galaal.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi uu hore u diiday baaqii WADDANI iyo beesha caalamka ee ahaa in la kala fogeeyo ciidamada, si loo bilaabo jawi wadahadal oo ay u yeeshaan Somaliland iyo Isimada Sool.

Xoghaye Galaal wuxuu caddeeyay in aan la aqbali karin in madaxweynaha oo masuul ka ahaa dhibkii ciidamada uu haddana isagu guddi magacaabo.

Xoghayaha Warfaafinta WADDANI wuxuu garaadada Sool ugu baaqay in loogu yimaado iyagoo badqaba maxaabiistii ay ku qabteen dagaalkii dhawaan dhex maray ciidamada Qaranka.

Galaal wuxuu ugu baaqay ururrada siyaasadda inay aqbalaan go’aankii ergada beesha bariga Burco oo uu ku tilmaamay xal dalka laga saarayo khilaafkii ragaadiyay Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this