Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddida Shuruucda Ee oo ka Warramay Kulamo ay la Yeesheen Masuuliyiin Dawladeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddida Shuruucda Ee oo ka Warramay Kulamo ay la Yeesheen Masuuliyiin Dawladeed

Hargetsa(Qaran news)-Guddida Shuruucda, Dastuurka, Xuquuqal iinsaanka iyo Garsoorka, ee golaha Wakiilladda JSL oo maalmahanba waday kormeer xog-ogaal u noqosho ayaa 7dii September 2023 kulamo la yeeshay badhasaabka Gobolka Saaxil iyo gudoomiyayaasha Maxkamadaha ee Degmada Berbera, Gobolka Saaxil iyo gudoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka
Sidoo kale waxay Kormeer iyo indho indhayn ku soo sameeyeen jeelka weyn ee Berbera oo ay si gaara ugu kuur galeen xaalada guud ee Maxaabiista ku jirta jeelka, qaybaha ay u kala qaybsan yihiin, Caafimaadkooda iyo cuntadooda iyo sidoo kale sida dhaqan-celinta loogu sameeyo.

Guddida ayaa kormeer kale waxay 05 Sep 2023 kormeer iyo u kuur gal xaaladeed waxay ku sameeyeen Mandheera ee gobolka Saaxil waxaanay halkaas kulan kula qaateen taliyaha Jeelka weyn ee Mandheera.

Guddoomiyaha Gudida Md. Yaxye Amiin Araarse oo Kormeerkan gudoominayay ayaa waxa ku wehelinayay Guddoomiye Kuxigeenka gudida Md Fu’aad Cabdi Diiriye iyo Xubnaha kale ee gudida oo dhan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this