Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo $10 milyan dul-dhigay madaxa hoggaamiyaha Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Ahmad_Umar.jpeg?fit=640%2C453&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa mar kale qaaday tallaabo ka dhan ah hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaa ninka lagu magacaabo Axmed Diiriye Cali oo loo yaqaan Abuu Cubeyda, waxayna dul-dhigtay abaalmarin lacageed oo cusub.

Mareykana ayaa shaaca ka qaaday in ciddii keenta xogta hoggaamiyahan lasiin doono lacag dhan illaa $10 milyan oo abaalmarin ah, taas oo la dul-dhigay madaxiisa.

Abaalmarintan ayaa waxaa ku dhowaaqday wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waxayna sheegtay in Abuu Cubeyda uu hadda yahay hoggaamiyaha Al-Shabaab, isaga oo xilkaas qabtay kaddib geeridii hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.

Dowladda Mareykanka ayaa ninkan ku eedeysay in inta uu joogay ay kooxda fulisay weeraro argagixiso waa weyn oo ka kala dhacay Somalia, Kenya, Jabuuti iyo Kenya.

“Inta uu hogaaminaayo, argagixisadu AS waxa ay weeraro ka fuliyeen Soomaaliya, Kenya, Uganda, iyo Jabuuti kuwaas oo sababay dhimashada boqolaal qof,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Sidoo kale waxa ay intaas kusii dartay in Abuu Cubeyda uu horay ugu soo shaqeeyay dhowr jagooyin Al-Shabaab ah oo ay ka mid yihiin kaaliye Godane, guddoomiye ku xigeenkii gobolka Jubbada Hoose 2008-dii, iyo guddoomiyihii Al-shabaab ee gobollada Bay iyo Bakool, 2009kii.

Horay Mareykanka ayaa 21-kii bishii April ee 2015-kii, Abu Cubayda u aqoonsaday agagixiye caalami ah, waxuuna markaas madaxiisa dul dhigtay 6 milyan oo dollar.

Axmed Diiriye Cali (Abuu Cubeyda) ayaa ah nin aad isku qariya, waxaana markiisii ugu dambeysay uu kasoo dhex muuqday muuqaal cusub oo ay baahisay warbaahinta kooxda ee Al-Kataa’ib, kaasi oo ku saabsana shirweynihii labaad ee wada-tashiga wax ay kooxdu ugu yeertay.

Si kastaba, Muuqaalka cusub ee Amiirka Al-Shabaab iyo shirweynaha kooxda oo ahaa mid qarsoodi ah, ayaa waxa la sheegay inuu ka dhacay deegaan kamid ah Jubbada Dhexe, wuxuuna kusoo aadaya xilli ay kooxda wajaheyso guluf xooggan oo ka dhan ah, kaasi oo looga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

The post Mareykanka oo $10 milyan dul-dhigay madaxa hoggaamiyaha Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this