Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay saddex xubnood oo kamid ah Guddiga Doorashooyinka PEC

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1694250190372.jpg?resize=720%2C48

Garoowe, September 09, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismail Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 21-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ajandaha ayaa ah Ansixinta Xubnaha magacaaban ee Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC sida uu qabo qodobka 113-aad Farqadiisa 1aad, Xarafka X iyo Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen saddex xubnood oo ka dhinaa Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, tirada guud ayaana noqonaysa 12 xubnood.

Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC, waxaana dhaariyey Garsoore ka socda Maxkamadda sare.

Xubnaha ayaa kala ah;

1. Cabdisalam Bashiir Cabdisalam
2. Maxamuud Axmed Caynab (Gubsul)
3. Ubax Cabdullahi Abshir

DHAMMAAD

FB_IMG_1694250186185.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1694250194455.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1694250181200.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1694250177283.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1694250173332.jpg?resize=720%2C48

The post Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay saddex xubnood oo kamid ah Guddiga Doorashooyinka PEC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this