Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo soo arkay saraakiil Soomaaliya loogu tababarayo dalka…

Recommended Posts

Deeq A.   
376496513_662717102624106_46979855160589

Dooxa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan ku sugan magaalada caasimada ah ee Dooxa ayaa la kulmay saraakiil Soomaali ah oo uu tababar uga socdo gudaha dalka Qatar.

Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiishaas oo Soomaaliya loo tababarayo, wuxuuna  la wadaagay rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan ee ah in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Saraakiisha ayaa dhankooda ra’iisul wasaaraha siiyay warbixin dheer oo ku aadan xaaladdooda iyo halka uu marayo tababarka haatan uga socdo dalka Qatar.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xukuumadda Dpooxa uga mahad-celiyey taageerada kala duwan ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan soo saaridda saraakiil tayo sare leh oo kamid noqda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe iyo masuuliyiin kale.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taageera Somalia, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo sida dhismaha waddooyinka, halka kuwa kalena haatan la dhammeystiray.

376496513_662717102624106_46979855160589 376573349_662716835957466_57202451982737 376642142_662716815957468_32539420470677 376783904_662716812624135_74212726274913

The post Sawirro: Xamza oo soo arkay saraakiil Soomaaliya loogu tababarayo dalka… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this