Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhawaad 300 boqol oo qof oo ku geeriyooday Marooko kadib markii…

Recommended Posts

Deeq A.   
ab5e3bc2-2234-45dd-8a24-43524b2da27b.jpg

Marrakesh (Caasimada Online) Dul gariir xooggan ayaa ku dhuftay dalka Morocco, waxaana ku dhintay ugu yaraan laba boqol iyo sagaashan iyo lix qof, iyadoo tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas.

Xooggiisu waxa uu ahaa gobol aan dadku ku badnayn oo ku yaal buuraha Atlas halkaas oo ay jiraan magaalooyin yar, iyo deegaano badan oo fog oo ay adagtahay in la galo.

Dad badan oo degganaa magaalada ugu weyn ee u dhow, Marrakesh, ayaa ka qaxay guryahoodii markii uu dhulgariirku dhacay.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay dhismayaal gariiraya, burbur badan oo waddooyinka yaalla iyo dad dhex socda burbur iyo boor badan.

Isbitaalada magaalada Marrakesh ayaa lagu soo waramayaa in lagu dabiibayo qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay.

Isha:BBC

The post Ku dhawaad 300 boqol oo qof oo ku geeriyooday Marooko kadib markii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this