Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Al-Shabaab oo maanta lagu duqeeyey saldhigoodii degmada Ruun-nirgood

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabaab-1-Shabab.jpeg?fit=960%2C579&ssl=

Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno aagga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in maanta duqeyn culus loogu geystay kooxda Al-Shabaab.

Kooxdaan ayaa la sheegay in lagu beegsaday dhul howd ah 8 KM dhanka waqooyi uga baxsan magaalada, waxaana halkaas laga soo weriyey gaadiid gubanaya.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in duqeyntaasi ay aad u cusleyd, isla markaana loo maleynayo in bartilmaameedku ahaa saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen banaanka magaalada.

Ma jirto cid ilaa hadda faahfaahin ka soo saartay khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, ama wax un xog ah ka bixisay cidda la bartilmaameedsaday, markii laga reebo xogta laga helay shacabka deegaanka oo jugta duqeynta maqlay.

Al-Shabaab ayaa ku sugan Ruun-nirgood iyo aageeda, waana dhul howd ah oo kooxda Al-Shabaab ay aad u jeceshahay marar badana ay ciidamada dowladdu kula dagaaleen.

Degmadaan oo dhacda halka ay iska galaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud ayaa ka mid noqotay magaalooyinkii ay dhawaan dib uga baxeen ciidamada dowladda oo ka gadooday weerarkii Cowsweyne iyo sida aysan dowladu uga falcelin.

Marar badan ayey Al-Shabaab ciidamada dowladda ku soo weerareen Ruun-nirgood oo ah degmo istaraatiiji ah, waxaana hadda socda guluf cusub oo la doonayo in aagga degmadaas looga nadiifiyo kooxda.

Dhawaan beelaha Mudullood ayaa go’aan ku gaaray inay isku tashadaan oo deegaanadooda ka xoreystaan, kana difaacdaan kooxda Al-Shabaab, taasi oo hadda ololeheedu uu aad uga socdo gobolka Shabeellada Dhexe oo beeshaasi ay degto.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa mudooyinkii dambe u soo jeestay abaabulka iyo dhiirigelinta ciidamada dadka deegaanka, kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay ka soo gadoodeen furimihii dagaalka ee gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.

Guudlaawe ayaa maanta tegay deegaanka Guulane, isagoo shacabka ku nool ku adkeeyey farriintiisa dagaalka Al-Shabaab, safarkaan Madaxweynaha HirShabeelle uu maanta Guulane ku tegay ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay deegaanka Nuurdugle ay weerareen Al-Shabaab, halkaas oo dagaal culus ay kula galeen ciidanka is abaabulay ee dadka deegaanka oo iska caabiyey Shabaab-kii weerarka soo qaaday.

 

The post Xog: Al-Shabaab oo maanta lagu duqeeyey saldhigoodii degmada Ruun-nirgood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this