Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda oo Beenisay in ay Shir kaga Qaybgashay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda oo Beenisay in ay Shir kaga Qaybgashay Muqdisho

Hargeysa(Qaran news)- Komishanka Qaranka ee Tacliinta Sare ayaa shaaca ka qaaday inaanay waxba ka jirin warar jaamacadaha dalka la xidhiidhiyey inay ka qeybgaleen shir ka dhacay magaalada Muqdisho, ee dalka Soomaaliya.

Warar ay baahiyeen warbaahinta Soomaaliya qaarkood Arbacadii ayaa lagu sheegay in Jaamacadaha Camuud, Hargeysa iyo Burco ay ka qeybgaleen shir lagaga hadlayey tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Laakiin, komiishanka Tacliinta Sare ayaa beeniyey jiritaanka wararka.

Guddoomiyaha Komiishanka Qaranka ee Tacliinta Sare Prof Saleebaan Dirir Cabdi oo u waramay Wargeyska Dawan ayaa sheegay in wararka la xidhiidhiyey jaamacdaha dalka ka qeybgalka shirka Soomaaliya aanay xaqiiq ahayn.
“Jaamacadaha Camuud, Hargeysa iyo Burco waa Somaliland, qeybna kama aha shirarka iyo arrimaha Soomaaliya. Wararka la xidhiidhinayana ka qeybgalka shirka Muqdisho waa kuwo been ah.

Hadalka Gudoomiyaha Komiishanka Prof Saleebaan ayaa meesha ka saaray shaki bulshada qaarkood ka qaadeen wararka ay faafiyeeen warbaahinta Soomaaliya qaarkood toddobaadkii hore.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this