Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Abaabul ka socda Sh/Dhexe iyo Guudlaawe oo hal arrin ka dalbaday reer Guulane

Recommended Posts

Deeq A.   
Shacab-guudlaawe.jpg?fit=1079%2C720&ssl=

Guulane (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo wada abaabul mar kale la doonayo in guud ahaan deegaanada maamulkaas looga xoreeyo Al-Shabaab ayaa maanta gaaray deegaanka Guulane.

Madaxweynaha HirShabeelle waxaa safarkii uu maanta ku tegay Guulane ku wehliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiiin, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellada Dhexe, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

U jeedka safarka Guulane ayaa ahaa abaabul bulsho oo ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana halkaas ku sugan boqolaal ciidan dadka deegaanka ah.

“Madaxweynaha oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay deegaanka Guulane ayaa ku bogaadiyay sida geesinimada leh ay wajaheen khawaarijta, isagoo markale ugu baaqay inay usoo baxaan dhameystirka iyo baabi’inta cadowga dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay madaxtooyada HirShabeelle.

Safarkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay deegaanka Nuurdugle ay weerareen Al-Shabaab, halkaas oo dagaal culus ay kula galeen ciidanka is abaabulay ee dadka deegaanka.

Markii ay kooxdu weerartay Nuurdugle waxaa la sheegay in aysan ku sugneyn ciidamada dowladda, balse ay diyaarsanaayeen ciidamada dadka deegaanka oo si weyn isaga difaacay duulaankii Al-Shabaab.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa mudooyinkii dambe u soo jeestay abaabulka iyo dhiirigelinta ciidamada dadka deegaanka, kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay ka soo gadoodeen furimihii dagaalka ee gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.

Dhawaan beelaha Mudullood ayaa go’aan ku gaaray inay isku tashadaan oo deegaanadooda ka xoreystaan, kana difaacdaan kooxda Al-Shabaab, taasi oo hadda ololeheedu uu aad uga socdo gobolka Shabeellada Dhexe oo beeshaasi ay degto.

Cali-Guudlaawe-a.jpg?resize=696%2C464&ss Cali-Guudlaawe-iyo-Shacabka-Guulane.jpg? Cali-Guudlaawe-iyo-Shacabka-Guulane.jpg3 Cali-Guudlaawe-iyo-Shacabka-Guulane.jpga Cali-Guudlaawe.jpg?resize=696%2C464&ssl= Shacab-guudlaawe.jpg?resize=696%2C464&ss Shacab.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 shacabka-guulane.jpg?resize=696%2C464&ss Taliyaha-xoogga-jeneraal-Muxudiin.jpg?re

The post Sawirro: Abaabul ka socda Sh/Dhexe iyo Guudlaawe oo hal arrin ka dalbaday reer Guulane appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this