Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali badan oo laga tarxiilayo Canada iyo DF ‘oo laga codsaday’ fara-gelin + Jawaabta

Recommended Posts

Deeq A.   
000_Was8986739-scaled.jpg?fit=2560%2C168

Ottawa (Caasimada Online) – Dowladda Canada ayaa wada qorshe ay ku doonaysp inay dalkaasi uga musaafuriso dhallinyaro Soomaali ah “oo ay sheegtay in si sharci darro ah dalkaasi kusoo galeen.”

Dhallinyarada ayaa la sheegay inay Canada kusoo galeen dokumentiyo aan sax ahayn. Waxay tiradoodu ka badan tahay 150 qof.

Soomaalida ku nool Canada ayaa codsaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay soo fara-galiso oo ay hor-istaago qorshahaan ay dowladda Canada ku doonayso inay dalkeeda uga masaafuriso dhallinyarada Soomaali ah.

Dadka u doodaya dhalinyaradan ayaa sidoo kale waxay sheegeen in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay soo cadeyso Soomaalinimadooda, si u mira-dhalaan dadaaladda lagu baajinayo in dhalintaas laga masaafuriyo dalka Canada.

“Dhalinyaraddaan waxaa haysata walaac weyn oo tarxiilka ka qabaan, dadaal weyn oo laba weji leh ayaa wadna laakiin dadaalkeena kaliya kuma filna waxaan u baahanahay in dowladda federaalka Soomaaliya ay soo dhex gasho oo ay soo cadeyso in wiilashaan Soomaali yihiin,” ayuu yiri mid kamid ah dadka u doodaya dhalinyarada oo la hadlay VOA.

Dhinaca kale, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan waxba ka qaban karin qorshaha socda, maadaama dhalintaan ay markii hore kusoo galeen aqoonsi aan Soomaali aheyn.

“Dowladda Soomaaliya uma furna gacmaheeda inay ka jawaabto ama kala gor-gortanto dowladda Canada waayo muwaadinkan asalkiisa markuu soo galayay Soomaalinimo kuma soo gelin, waxa gacmaheena xiraya in qof waddan kale baasaboor kale kusoo galay u doodno,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa uu intaas kusii daray “marka dhalinyarada Soomaaliyeed waxa noo furan in aan u duceyno. Wax badan oo Soomaaliya ay ka gali karto gartaan sida ay kusoo galeen darteed majirto.”

Si kastaba, Dowaldda federaalka Soomaaliya oo dadka u doodaya dhalintaan Canada ay qorsheynayso inay musaafuriso ay qabeen rejo ah inay soo fara-geliso ayaa walaac xooggan muujinaya, maadaama ay dowladda ku dooday in meel uga furneyn kiiskan, maadaama oo ay sheegtay in dadka aysan Canada ku gelin Soomaalinimo.

The post Soomaali badan oo laga tarxiilayo Canada iyo DF ‘oo laga codsaday’ fara-gelin + Jawaabta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this