Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatum oo bogaadiyay Bahda Caafimaadka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1694153119107.jpg?resize=720%2C47

Hoggaamiye Kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil ayaa la yeeshay kulan lagu bogaadinayey bahda caafimaadka oo ay ka jiraan kooxda ambalaasyada ee gobolka iyo kuwa soo gurmaday ee qabtay shaqadii adkeyd ee lgu badbaadinayey geesiyaashii xaq-u dirirka ahaa ee difaacay dadka iyo deegaankooda mudaddii lixda bilood ka badneyd.

Kulanka oo ay soo qaban-qaabiyeen gudidda caafimaadka ee gobolka ayaa waxaa kalmado dhiirigalin iyo mahadcelin ah ka jeediyey Hoggaamiye Kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil isaga dhinaca kale xoojiyey in shaqada la sii laban-laabo.

Dhanka kale, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Puntland Mudane Jaamac Faarax Xassan oo isna kaalin mug leh ka qaatay hawlihii caafimaadka ee waqtigii halganku socday.

Ugu dambeyn, kooxda caafimaadka oo isugu jiray kuwa gargaarka deg degga ah iyo wadayeyaasha ambalaasyada ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin shaqadii naf-hurka ahayd ee ay qabteen waqtigii adkaa, xilli ay sheegeen in mararka qaar ay mari jireen wadooyin dhib badan si ay u badbaadiyaan halgamayaashii SSC-Khaatumo.

FB_IMG_1694153124843.jpg?resize=720%2C47 FB_IMG_1694153130012.jpg?resize=720%2C47 FB_IMG_1694153134013-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1694153119107-1.jpg?resize=720%2C

The post Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatum oo bogaadiyay Bahda Caafimaadka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this