Sign in to follow this  
Deeq A.

SODMA iyo Al-Jazeera oo tababar muhiim ah kusoo xiray Muqdisho + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.19-PM-

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo gaba-gabeeyay tababar heerkiisa sarreeyo oo ay iska kaashanayeen Akaadeemiyada Somali Degital Media Academy (Sodma)iyo Machadka Tabarada Warbaahinta ee Al-Jazeera kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Tababarkan oo ay bixinayeen khubaro ka socda Machadka Warbaahinta Al-Jazeera ayaa ahaa mid kor loogu qaadayay Xirfada saxafiiynta Soomaaliya, waxaana uu ka kooban yahay ilaa Sadax qeyb oo kala ah.

1- Tifaftirka Wararka: Mowduucaan ayaa ka qeyb-galayaasha ku qaadanayaan casharo muhiim ah oo Wariyaasha ka caawinaya Tifaftirka Wararka, Hagaajinta qaab Qoraalka iyo hadalka markasta oo ay dadweynaha u wax Tabinayaan.

2- Mobile Journalism: Qeybtan waxaa diiradda lagu saarayaa soo saarista Muqaalo iyo Warbixino iyadoo la Adeegsanayo Mobile-ka Gacanta.

3- Storytelling for Digital platforms: Waxaa ka qeyb-galayaasha lagu barayay sida sheekooyinka loogu baahiyo Baraha Bulshada si xirfadeysan.

Waxaa kasoo qeyb galay ilaa 50 suxufi oo isugu jira kuwa ka howl gala Warbaahinta Gudaha iyo Caalamiga iyo waliba barayaal culuumta saxaafadda.

Xeritaanka tababarka waxaa kasoo qeybgalay khubaro dhanka Saxaafada ah iyo Mas’uuliyiin ka socota Dowlada Somaliya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka hadlay xeritaanka Tababarka ayaa kula dardaarmay ka qeyb-galayaasha in sawir fiican ka gudbiyaan Muqdisho iyo guud ahaan Somaliya.

Laba ka mid ah ka qeyb-galayaashii tababarka oo ka hadlay madasha ayaa sheegay iney wax badan faa’iideen Mudadii uu Tababarka socday oo ahayd shan maalmood.

Gaba-gabadii waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay dhamaan intii ka faa’iidaysatay tababarka.
WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.18-PM. WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.19-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.19-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.19-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.19-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.19-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.19-PM. WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.20-PM. WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.20-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.20-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.20-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.20-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.21-PM. WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.21-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.21-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.21-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.21-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.21-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.22-PM. WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.22-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.22-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.22-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.22-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.23-PM. WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.23-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.23-PM- WhatsApp-Image-2023-09-07-at-7.44.23-PM-
 

The post SODMA iyo Al-Jazeera oo tababar muhiim ah kusoo xiray Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this