Deeq A. Posted September 7, 2023 Agaasimaha Maalgashiga oo Shirkado kula Shiray Itoobiya Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL Mudane Moxamed Cismaan Siciid oo uu weheliyo u qaybsanaha ganacsiga Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Mudane Yuusuf Axmed Cali ayaa Caawa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kulan kula yeeshay Mr. Sushil Kumar, oo ah aasaasaha iyo maareeyaha maamulka ee RS Groups, “Recycling Scrap Metals, Battery, and Aluminum Industry” iyo sidoo kale maamulaha shirkad kale, GRADWELL OIL. FIELD Ltd. Labadan shirkadood ayaa danaynaya inay maalgashi la taaban karo ku sameeyaan Somaliland, halkaas oo ay si gaar ah diiradda u saari doonaan macdanta iyo warshadaha dalka. Labada shirkadoodba waxay maalgashi la taaban karo ku sameeyeen wadamo ku yaala qaarada Afrika gaara ahaan Senegal, South Sudan iyo Ethiopia. Waxa kulankan lagaga wadahadlay fursadaha maalgashi ee ay Somaliland ay ka heli karaan iyo sida Somaliland u tahay dal ay yaalaan fursado badan oo maalgashiyo laga fulin karo oo leh deegaan soojiidasho iyo soodhawayn maalgashatada ajaaniibta ah taasoo ay maalgashi ku samayn karaan kana faaiidaysankaraan fursadaha yaalla somaliland. Si gaar ah waxaa loogu iftiimiyey wershadaha ay xiisaynayaan, taas oo aad u soo jiidatay; iyaga oo soo dhaweeyey inay booqasho ku yimaadaan Somaliland toddobaadka soo socda si looga wada hadlo warbixino na looga siiyo khayraadka dihin ee Somaliland. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites