Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga iyo Ruushka oo gaaray heshiis ka caraysiin kara Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
889cc204-055f-4ad8-bc2f-9ed01dc5adc0_w40

Sacuudi Carabiya iyo Ruushka ayaa ku heshiiyey in ay illaa dhammaadka sanadka sii wadaan dhimis ay ku sameeyeen wax soo-saarka saliidda.

Heshiiskan ayaa suuqyada tamarta caalamka ka dhimaya 1.3 milyan oo barmiil oo saliid cayriin ah maalinkii, taasi oo sare u qaaday qiimaya saliidda.

Go’aanka Riyadh iyo Moscow ayaa qiimaha halkii barmiil ee saliid ah gaarsiiyey $90, taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey tan iyo November 2022.

Tallaabada labada dal ayaa kordhin karta sicir-bararka iyo qiimaha shidaalka baabuurka.

Waxay sidoo kale cadaadis cusub saari doontaa xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka.

PUNTLAND POST

The post Sacuudiga iyo Ruushka oo gaaray heshiis ka caraysiin kara Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this