Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka oo ku hoyday Caasimadda Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   
e48ceef0-d442-4811-abd4-ad8f09a8adcb_w40

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u hoyday caasimadda Kyiv ee dalka Ukraine, isaga oo halkaas ku tegey safar laba maalmood qaadanaya oo aan hore loo sii shaacin.

Safarka xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa noqonaya kii afraad ee uu dalkaas ku tago, tan iyo bishii February ee sannadkii 2022, xilligaas oo uu bilawday duullaanka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine.

Waa markii ugu horraysay ee xoghayaha arrimaha debedda iyo weftigiisu ay u hoydaan dalkaas.

Blinken ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ukraine Dmystro Kuleba, ra’iisal wasaare Denys Shmyhal iyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa la wadaagay, war farxad leh oo ah, in Maraykanku uu ugu deeqayo kaalmo gaadhaysa $1 billion. 

Kaalmadan ayay ku jirtaa illaa $175 Milyan oo doollar oo loogu talo galay dhinaca ammaanka iyo weliba taageero dheeraada oo ku saabsan, qalabka difaaca hawada iyo  rasaasta madaafiicda.

PUNTLAND POST

The post Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka oo ku hoyday Caasimadda Ukraine appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this