Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliska Puntland oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Maxkamada Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1694076925070.jpg?resize=720%2C48

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire ayaa kulan la qaatay Gudoonka Maxkamada gobolka Mudug.

Shirka waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad,Gudoomiyaha maxkamada Racfaanka Mudug,Hogaanadda Maaliyada,Ciidanka,Ilaalinta nabad Galyada wadooyinka iyo Taliyaasha Saldhigyada Gaalkacayo iyo Saraakiil kale.

ujeedka shirka ayaa ah dardar galinta shaqooyinka Cadaalada iyo in Booliska iyo Maxmaduhu ay sii xoojiyaan wadashaqayntooda si adeega bulshada horay loogu sii socodsiiyo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa xusay muhiida ay in maxkamada iyo Booliska gobolka Mudug ay u leedahay dardar galinta shaqooyinka socda isaga oo sheegay in la sii xoojiyo si kor loogu qaado adeega cadaalada ee  bulshada loo hayo.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Booliska Puntland oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Maxkamada Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this