Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday degaanka Nuur Dugle iyo dagaal ka socda

Recommended Posts

Deeq A.   
Shabaab-1-Shabab.jpeg?fit=960%2C579&ssl=

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen deegaanka Nuur Dugle ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyo ciidamada huwanta iyo ragga weerarka qaaday, kaas oo illaa iyo hadda ka socda deegaanka.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa beegsatay saldhigyo ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ku leeyihiin halkaasi.

Sidoo kale inta uu weerarka socday ayaa waxaa la maqlayay qaraxyo xoogan oo ay adeegsanayeen Al-Shabaabka weerarka qaaday, sida aanu ka soo xiganay dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay weli is-weydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay sameeyeen iska caabin, isla-markaana uu weli socda howlgalka.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan iyo dagaalka ka dambeeyay ee u dhexeeyo Al-Shabaabka weerarka soo qaaday iyo ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ay sidaan oo kale kooxda u weerartay deegaanka Daarunicma oo hoosta degmada Ruun-Nirgood, kaas oo ay ka hortageen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaankaasi, kadib gurmad ay heleen.

Si kastaba, Nuur Dugle oo u dhow Masaajid Cali Gaduud ayaa ka mid ah deegaamadii ugu dambeeyay ee lagala wareegay kooxda Al-Shabaab, kadib guluf ay dowladda ku qaaday meelaha ay ku sugan yihiin xubnaha kooxdaasi.

The post Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday degaanka Nuur Dugle iyo dagaal ka socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this