Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo ka guuray Dhuusamareeb iyo qorshe culus oo ka billowday…

Recommended Posts

Deeq A.   
Qoor-Qoor-iyo-wasiir-Jaamac-gaashaandhig

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa in ka badan toddobaad ku maqan furimaha dagaalka, wuxuuna saacadihii lasoo dhaafay gaaray deegaano hor leh oo laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa halka ay howlgaladu ka socdaan ayaa xalay ku hoyday deegaanka Labidulle oo u dhow deegaanka qadiimiga ah ee Ceel-lahey, halkaas oo shalay aad loogu baacsaday kooxda.

Qoor Qoor ayaa hoggaaminaya dagaalka kooxda looga xoreynayo deegaanada bari ka xiga magaalada Dhuusamareeb, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalmihii lasoo dhaafay isaga gudbay Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, si halkaas uu uga soo abaabulo dagaalka.

Axmed Qoor Qoor waxay tahay mudadii ugu dheereed ee furinta uu ku sugan yahay, kadib markii xalay habeenkiisii 9-aad uu ku hoyday furimaha bari ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ciidamadu ay si tartiib ah u dabajoogaan firxadka Al-Shabaab oo hadba deegaan isaga baxaya.

Wasiirka Gaashaandhigga oo dhowrkaan toddobaad Galgaduud ku sugan ayaa Madaxweynaha Galmudug ku wehliya safarkaan ay ku joogaan furimaha hore, iyagoo si joogto ah duurka iyo deegaanada fog ciidamada ugu sameynaya dhiirigelin, si aysan uga soo laaban dagaalka Al-Shabaab.

Dhinaca kale Dhuusamareeb waxaa dib uga bilowday abaabulka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib markii beesha degta ay dhaleeceyn culus kala kula kulantay siyaasiyiinta qaar oo sheegay inay Madaxweyne Xasan Sheekh ku hagradeen dagaalka.

Ciidamadii beelaha ayaa dib loo abaabulay, halka kuwii abaabulaa ay saacadihii lasoo dhaafay la wareegeen deegaano badan oo bari ka xiga Dhuusamareeb, taas oo muujineysa rajo weyn oo Shabaab looga ciribtiri karo Galmudug.

Madaxwynaha ayaa toos u hoggaaminaya dardargelinta ololahaan dagaal ee looga xoreynayo deegaannada ay Shabaab kaga suganyihiin Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo bil ah Dhuusamareeb u joogay hoggaaminta dagaalka ayaa hadda ku sugan Shabeellada Dhexe, waxayna xogta aan heyno sheegeysaa inuu ku soo laaba doono Dhuusamareeb oo bil kale uu sii joogi doono.

Mudada halka bil ah ee Xasan Sheekh uu qorsheynayo inuu sii deganaado Dhuusamareeb ayaa lagu soo gabagabeynayaa wajiga koowaad ee dagaalka, si loogu gudbo wajiga labaad oo ka bilaaba doona gobollada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

The post Qoor Qoor oo ka guuray Dhuusamareeb iyo qorshe culus oo ka billowday… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this