Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudullood oo Muqdisho kasoo abaabulay ciidamadii soo gadooday – Maxaa socda?

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_3941.jpeg?fit=1284%2C729&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdisho caawa ka sagootiyey cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku laabtay furimaha dagaalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir masuuliyiin uu hoggaaminayo ayaa dib u soo abaabulay ciidankii ka soo gadooday furimaha dagaalka ee Muqdisho isugu tegay, kuwaas oo caawa lagu soo bandhigay waqooyiga Muqdisho.

Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka mid ahaa masuuliyiintii warbaahinta kula hadashay goobtii lagu sagootiyey ciidanka ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu qaatay masuuliyadda ah in ciidanka dib loogu celiyo furimaha, si ay Al-Shabaab u baacsadaan.

Ciidankaan ayaa u badan kuwo ka soo jeeda beelaha Mudullood, waxayna maalmihii lasoo dhaafay ka soo gadoodeen Ceeldheer, Galcad, Ruun-nirgood ilaa Aadan-yabaal, waxayna isugu tageen magaalada Muqdisho.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha Mudullood oo dhawaan ku shiray Muqdisho ayaa go’aansaday inay kaalintooda qaataan oo dib u soo abaabulaan ciidanka soo baneeyey furimaha, iyadoo beel kasta ay iska uruurineyso qaaraan lagu socodsiiyo dagaalka, maadaama dowladda ay ka tan badisay howsha socota ee Khawaarij iska xoreynta ah.

Mudullood ayaa lagu dhaliilay sida ay dagaalka ugu fiirsadeen Madaxweynaha, si gaar ah waxaa farta loogu goday beesha hoose ee Madaxeeynaha, waa Waceysle, kadib markii ay ku guuldareysteen inay difaacdaan deegaanadii la xoreeyey ee Ceeldheer iyo Galcad.

Sidoo kale waxaa jirta eedeyn ay soo jeediyeen masuuliyiin badan oo ku socota dhammaan beelaha Mogadishu Clan, masuuliyiintaas waxaa ka mid ah Axmed Madoobe iyo Maxamed Cabdi Waare oo bixiyey tusaalooyin cajiib ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ka hoggaaminayay dagaalka muddo bil ka badan ayaa hadda ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe, si uu u soo abaabulo ciidanka qaranka ee ka gadooday furimaha dagaalka, Xasan Sheekh ayaa hadda ku sugan Aadan-yabaal.

The post Mudullood oo Muqdisho kasoo abaabulay ciidamadii soo gadooday – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this