Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi oo Soo Gagab Gooyay, Socodna ku Maray Shaaricyada Shacabka Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Muuse Biixi oo Soo Gagab Gooyay, Socodna ku Maray Shaaricyada Shacabka Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay lagu arkay isagoo lugsynaya shaaricyada shacabka Hargeysa tan iyo 26kii August 2023 oo muuqiisa dadweynaha ugu dambaysay.

Madaxweynuhu wuxuu xisbiyada Qaranka kula shiray madaxtooyada, halkaasi oo ay kaga wada hadleen sidii loogu midoobi lahaa dagaalka lagu soo qaaday dalka. Waxaanu kulankaasi ahaa kii ugu dambeeyay ee madaxweynuhu fagaare soo istaago, iyadoo aan la arag 11kii maalmood ee u dambeeyay.

Tibaaxo kala duwan ayaa sheegayey in madaxweynuhu xannuunsaday, kadib markii ciidamada Qaranku soo faaruqiyeen fadhiisimadii gobolka Sool.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa socod uu tallaabo dheeraynayey ku maray jidka wadnaha ee shacabka Hargeysa, iyadoo aanay wax ilaalo ah oo badani la socon.
IMG-20230906-WA0005.jpg

IMG-20230906-WA0008.jpg

IMG-20230906-WA0006.jpg

IMG-20230906-WA0008-1.jpg

Madaxweynuhu wuxuu ficil ku beeniyay wararka sheegayey inuu xanuun ku soo booday, xilli dalku ku jiro xaalad adag isla markaana ciidamadii qaranka ee safka hore ay dib ugu soo noqdeen degmada Oog ee gobolka Saraar taasi oo laf jab siyaasadeed ku ah hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi.

Mafaxweynuhu wuxuu u muuqday mid hadda gagab gooyay, wuxuuna salaamayey dadweynaha jidka kaga hor yimi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this