Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka dagay degmada Aadan Yabaal

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693996045877.jpg?fit=1079%2C720&

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta diyaarad ku tegay degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa ka baxay degmada Maxaas oo uu joogay maalmihii la soo dhaafay, waxaana safarkiisa qayb ka ah mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda dhexe.

Waxaa madaxweynaha sidoo kale Aadan Yabaal ku soo dhaweeyay madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen, taliyaha ciidanka Xoogga dalka, Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow, saraakiil ciidan, xildhibaano iyo bulshada dadka deegaanka.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana halkaas ku sugan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda oo la geliyay heegaan, si ay u sugaan amniga.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi, isaga oo kulamo ka bilaabi doono degmada Aadan Yabaal.

Sidoo kale waxa uu kormeeri doonaa xeryaha ciidamada, isaga oo qiimeyn doono xaaladda, sidoo kale wuxuu khudbad u jeedin doonaa ciidamada difaaca adag ku jira.

Waa markii labaad ee uu madaxweynuhu booqanayo degmada Aadan Yabal, isaga oo horay u tegay markii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo 15 sanno ku sugneyd halkaasi.

Maalmo kahor waxaa sidoo kale degmadan booqasho ku tegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo ciidamada lasoo hadlay, kadibna ku soo laabtay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii u dambeeyay ku maqnaa jiidda hore ee dagaalka, wuxuuna muddo bil ah soo joogay gudaha  Dhuusamareeb, isaga oo kadib usoo guuray dhanka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

FB_IMG_1693996052015.jpg?resize=696%2C50 FB_IMG_1693996048443.jpg?resize=696%2C59 FB_IMG_1693996045877.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1693996043455.jpg?resize=696%2C46374500281_700888942082313_35017174579641 374663609_700888935415647_86238717725120

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo ka dagay degmada Aadan Yabaal appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this