Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Dagaalka wasiirka gaashaandhigga iyo Waare oo sii xoogeystay

Recommended Posts

Deeq A.   
Waare-Jaamac-2.png?fit=740%2C376&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya dagaalka afka ah ee u dhexeeyo madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Waare oo haatan ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan ilaalinta rayidka ee goobaha colaadaha ayaa waxa uu wasiirka gaashaandhigga ku eedeeyay inuu masuul ka yahay askartii iyo saraakiishii ay Shabaab ku dishay weeraradii Galcad iyo Cowswayne.

“Wasiirka gaashaandhigga amaro khaldan oo uu bixiyay ayaa lagu laayay ciidamo badan iyo saraakiil uu ku jiro Xasan Tuure. Lacago ayuu siin jiray taliyeyaal urur, taliyeyaal horin iyo kuwa kale, kumanaan kun ayuuna u diri jiray,” ayuu yiri siyaasiga Maxamed Cabdi Waare.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa soo jawaabay wuxuuna tilmaamay in dadka eedeynayo isaga kasoo horjeedo ay ku hadlayaan af Khawaarij, ayna ka soo horjeedaan howlgallada socda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa nalaga rabaa inaanan dheg jalaq u siin wax walba oo xun iyo eray walba oo xun oo kasoo yeeraayo Khawaarijta, iyaga oo soo marinaayo af Khawaarij, iyaga oo soo marinaayo dad isku ekeysiinaayo dad adiga kuu naxaayo ama qarankaan u naxayo” ayuu yiri Jaamac.

Arrintan ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay fal-celin xoogleh, waxaana dadka ka hadlay kamid ah siyaasiga Cabdikariin Nuur Xuseen (Doobyare) oo horay usoo noqday wasiir ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle, kadib wareysi uu siiyay Somali Cable Tv.

Cabdikariin Doobyare ayaa shaaca ka qaaday in eedda loo jeediyay wasiirka ay tahay mid culus, balse aysan sax aheyn in Waare uu si toos ah ula wadaago warbaahinta.

“Maxamed Cabdi Waare khudbaddiisa waa dhageystay aniga ma aqaano qof mas’uul ah oo oo heerkaas soo gaaray oo saameyntaas leh inuu inta Media tego uu sidaas ka yiraahdo aniga sax ilama aha” ayuu wareysiga ku yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdikariin Doobyare.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in loo baahnaa in xogtaas aadka u weyn inuu la wadaago madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, si ay ula xisaabtamaan wasiirka.

“Wasiirka oo eedeeyay haddii uu eeddaas leeyahay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha  inuu u tego oo uu u sheego ayay ahayd” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdikariin Doobyare

Arrintan ayaa kusoo aadayso, ayada oo tuhun xoogan uu ka dhashay weerarkii Cowswayne oo jab xoogan lagu gaarsiiyay ciidanka dowladda, kadib markii lagu laayay askar badan, waxaana sidoo kale haatan soo shaac baxay khilaaf u dhexeeyo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Jeneraal Ibraahin Sheekh Muxyidiin.

The post Daawo: Dagaalka wasiirka gaashaandhigga iyo Waare oo sii xoogeystay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this