Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif oo Norway kala hadlay dagaalka Laascaanood + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
375176000_856149659207906_15808062047242

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa bilaabay kulamo xasaasi ah, isaga oo wada-hadal gaar ah la yeeshay wakiilka Norway u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, haweeneyda lagu magacaabo, Marwo Heidi Johansen.

Kulanka oo ka dhacay xafiiiska Sheekh Shariif ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta iyo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

“Waxaa farxad ii ah inaan xafiiskayga ku qaabilo wakiilka gaarka ah ee Norway u qaabilsan Soomaaliya Marwo Heidi Johansen iyo Mr. Carsten Carlsen” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ka wada arrinsadeen dhammeystirka gogoasha dib u heshiisiinta ee taalla gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo uu hormuud u yahay Shariif.

“Waxaan ka wada hadalnay gogosha nabadeed ee taalla deegaanka Burka Dirimeed, dhameestikeeda iyo sida ay muhiim u tahay in la helo nabad waarta oo ay gaaraan dadka walaalaha ah ee deegaan iyo daaqsin wadaagga ah” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Inta uu socday kulanka waxaa sidoo kale lagu soo qaaday colaadda Laascaanood oo ay ka wada-hadleen labada dhinac, si xal loogu helo.

“Waxaan sidoo kale isla soo qaadnay xaaladda Laascaanood iyo heshiisiinta labada dhinac” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri madaxweynihii hore bee dowladdii KMG aheyd.

Shariif ayaa muddooyinkii dambe waday dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xoogleh, isaga oo magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula soo kulmay madaxweyne Farmaajo oo ay ka wada-hadleen xaaladda dalka iyo arrimo kale oo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

374830326_856150982541107_34050938889422 375170841_856150279207844_47988350127700 375176000_856149659207906_15808062047242

 

The post Shariif oo Norway kala hadlay dagaalka Laascaanood + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this