Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladaha Iran iyo Sacuudi Carabiya oo safiiro is dhaafsaday

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-68c4-08dbae8dfcdd_w40

Safiirka Sacuudi Carabiya ee Iran ayaa Talaadadii gaaray Jamhuuriyadda Islaamiga ah, halka dhiggiisa uu ka degay Riyadh, taasi oo adkeysay dib usoo celinta rasmiga ah ee xiriirka diblomaasi ee labada dal.

Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa isku raacay inay dib u billaabaan xiriirkooda, islamaraana dib u furaan safaaradaha kadib heshiis ay dhex-dhexaadisay China oo lagu dhowaaqay bishii Maarso.

Hoggaanka Sacuudi Carabiya wuxuu aqoonsan yahay “muhiimadda xoojinta xiriirka, kordhinta la-macaamilka iyo in xiriirka la gaarsiiyo heer ballaaran,” waxaa sidaas yiri danjire Abdullah Alanazi markii uu Tehran gaaray si uu u billaabo shaqadiisa.

Sidoo kale Talaadadii, Safiirka Iran u fadhiya Sacuudi Carabiya, Alireza Enayati, ayaa gaaray caasimadda Riyadh, halkaas oo ay ku qaabileen mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudiga.

PUNTLAND POST

The post Dowladaha Iran iyo Sacuudi Carabiya oo safiiro is dhaafsaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this