Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Xilliyada dagaalka ayaa la kala bartaa dadka”

Recommended Posts

Deeq A.   
XASAN-SHEEKH-MAXAAS-860x444-1.png?resize

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay xilliyada dagaalka in la kala barto dadka, gaar ahaan madaxda, saraakiisha iyo askarta.

“Runtii dagaal haddii la galo waa la kala bartaa dadka, madaxdaa la kala bartaa, saraakiishaa la kala bartaa, askartaa la kala bartaa, dhamaan dadka waa la bartaa, qof walbana doorka uu qaata maalinta ay adag tahay waa la bartaa, maalinta fiican ee ay nabaddu jirto nin kastaa waa fiican yahay” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligii ay Ciidanka xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed dagaalka soo billaabeen sanad ka hor ay yarayd saadaasha guulaha la gaaray, iyadoo ay dalka ku sugan tahay AMISOM.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xilligaasi ay Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika aysan ku qanacsanayn dagaalka argagixisada ka dhanka ah balse ay hadda ogaadeen in ay dhab ka tahay dowladda ciribtirkooda.

“Ciidanka xoogga dalka asoo keligiis ah oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaad dagaalka soo billowdeen sanad ka hor, dad badan ayaa ku qoslaayay oo lahaa meel gaari maayaan, waanay soo noqonayaan”

Berigaas AMISOM annaga kumaanan qancin karin inaan nahay dad uu dagaalka dhab ka yahay oo waxay noo arkaayeen dad aanu dhab ka ahayn, laakiin maanta way fahmeen inuu dagaalku dhan naga yahay ama aan wax qabsan karno” ayuu yiri Madaxweynaha.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh” Xilliyada dagaalka ayaa la kala bartaa dadka” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this