Sign in to follow this  
Deeq A.

Bulshada Baligubadle oo Taageeray isa-saarka Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Bulshada Baligubadle oo Taageeray isa-saarka Doorashooyinka

Hargeysa(Qaran news)- Bulshada magaalada Baligubadle ee xarunta Gobolka Hawd, ayaa taageeray isa saarka doorashooyinka madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda.

Dhalinyaro iyo waxgarad kale ayaa sheegay in go’aankii ergadii beelaha bariga Burco uu soo afjaray khilaafkii dalka, loona baahan yahay in ururkii tartanka doonayaa uu imika isa sii dhiso oo uu shacabka codkiisa ka raadsado.

Bulshada reer Baligubadle waxa ay soo dhaweeyeen in madaxweynaha Somaliland uu aqbalay go’aankaas oo xal u noqday khilaafkii mudada dheer ka taagnaa dalka.

Xildhibaan Cabdikariin Cabdiraxmaan Madar oo ka tirsan golaha deegaanka Baligubadle, ayaa sheegay in ururkii xisbinimo doonayaa uu sannad kadib isagoo sii shaqeystay uu galo doorashada, wuxuuna si weyn ugu bogaadiyay madaxweynaha sidii go’aankii ergada u aqbalay isla markaana uu sharciyada mariyay oo uu u gudbiyay golaha wakiillada si ay isu waafajiyaan xeerkii doorashooyinka iyo labada doorasho ee la mataaneeyay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this