Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo kashifay arrimo uu kusoo arkay Dhuusomareeb oo muujinaya in Hawiye ay…

Recommended Posts

Deeq A.   
Waare.jpeg?fit=1080%2C754&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo hadda ah ergayga madaxweynaha u qaabilsan arrimaha xasilinta ayaa sheegay inuu xaqiijiyey in Mogadishu Clan uusan diyaar u aheyn inuu iska xoreeyo Khawaarijta Al-Shabaab.

Waare oo wareysigaan siiyey barnaamijka Hanoolaato ee Weriye Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa sheegay in Dhuusamareeb uu soo joogay muddo bil ah, isla markaana uu soo ogaaday in Mogadishu Clan aysan daacad ka aheyn dagaalka Al-Shabaab oo madaxweyne Xasan Sheekh uu kaligiis ku wareeray meesha.

Ergayga ayaa mid mid u dul istaagay beelaha Mogadishu Clan ee ka cagajiidaya dagaalka Al-Shabaab, isagoo ka bilaabay Habargidir oo madaxweyne Xasan Sheekh uu marti u yahay.

Wuxuu sheegay in waxa uu ku soo arkay Dhuusamareeb uusan wada sheegeyn, balse uu soo arkay dad ay hagari ku jirto oo maalintii hub iyo ciidan badan soo bandhiga, Madaxweynaha tusa, habeenkiina kala hoyaada oo dagaal aan u socan.

Wuxuu soo hadal qaaday beesha Murusade, isagoo sheegay in beeshaas aysan jirin cid ka dagaal badan, isagoo yiri “Murusade oo dakano kuu qaba habeen kama hoya kartid, waxay awoodaan inay kugu soo guureeyaan oo gogosha kugu dilaan, sidee maanta la iiga dhaadhici karaa Xildhibaan Faa’iso Jeyte iyo Xildhibaan Jacfar ayaa Murusade oo dhan u dagaalamaa oo hadba dhinac u cararaa?”.

Maxamed Waare wuxuu Murusade weydiiyey “Dhalinyaradiina ku nool Galhareeri, Ceelbuur, Jacar, Bargaan, Dirri iyo deegaanada kale ee Shabaab joogaan maka samarteen, waxbarasho iyo nolol uma baahna miyaa?.”

Wuxuu soo hadal qaaday Mudullood, isagoo sheegay in shalay bayaankii ay soo saareen uu kala dhimanaa, isla markaana ay u ekaayeen dad aan tashan oo dooneyn inay daweeyaan boogta.

Maxaxweyne Waare wuxuu si gaar ah farta ugu goday beesha Waceysle oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dhashay, isagoo yiri “Mudullood maxay Wacaysle u weydii waayeen sababta aysan u dhageysan Xasan Sheekh ee Kabakutukade ay u dhageystaan?” Ayuu yiri Waare.

Beesha Xawaadle oo uu ka dhashay ayuu tusaale u soo qaatay Waare markii la joogo dagaalka Al-Shabaab, wuxuu sheegay inay Xawaadle uu talo mideysan ku galay dagaalkaas kuna guuleysteen, isagoo beelaha kale u soo jeediyey inay taladooda mideeyaan, si dagaalka ay ugu guuleystaan.

The post Waare oo kashifay arrimo uu kusoo arkay Dhuusomareeb oo muujinaya in Mogadishu Clan ay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this