Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaflad caawa lagu Qabtay Oodweyne oo lagu kala dareeray markii Xabadi ka dhacday goob u dhow

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaflad caawa lagu Qabtay Oodweyne oo lagu kala dareeray markii Xabadi ka dhacday goob u dhow

Oodweyne,(Qaran news)- Xaflad lagu taageerayey ciidanka qaranka oo ka socotay caawa fiidkii magaalada Oodweyne, ayaa gabi ahaanba lagu kala dareeray markii ay xabadi ka dhacday goob ku dhow goobtii xafladu ka socotay.

Wararka aanu ka helnay Oodweyne waxay sheegeen in qof aan la garani xabad ka riday goob aan sidaas uga fogeyn halkii xafladu ka socotay.

Waxa la sheegay markii xabadu dhacday ay qaar ka mid ahaa dadkii goobta fadhiyay ay yidhaadeen “jabhadii ayaa ina soo gashay, kadibna waxa la boobay albaabadii hoolkii xafladu ka socotay.

Booliska Oodweyne ayaa markiiba dedaal u galay inay soo helaan ciddii xabada riday, waxayna wadaan baadhis ay ku dabojoogaan ciddii xabada riday.

Jabhadii la kala diray ee Buurta Gacan Libaax ayaa laba jeer galay Oodweyne, waxana dadkii xafladaas ka soo xaadiray ay u qaateen in la soo galay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this