Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka gaashaandhigga oo soo jawaabay: Warkooda waa af-Khawaarij

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdulqaadir-Maxamed-Nuur-Jaamac.jpeg?fi

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa soo jawaabay, kadib eedeymo culus oo uu jeediyay madaxweynihii hore ee HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare, kaas oo ku qaaday weerar culus oo ganbasho la’aan ah.

Waare oo haatan ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan ilaalinta rayidka ee goobaha colaadaha ayaa waxa uu wasiirka gaashaandhigga ku eedeeyay inuu masuul ka yahay askartii iyo saraakiishii ay Shabaab ku dishay weeraradii Galcad iyo Cowswayne.

Waxa uu sheegay in wasiirka uu ciidanka shirqool dhexda ka galiyay, kadib markii uu amaro qaldan uu bixiyay, isagoo hareer maraya taliyayaasha xoogga dalka, taasi oo keentay in halkaasi lagu laayo ciidamo iyo saraakiil, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasiirka gaashaandhigga amaro qaldan oo uu bixiyay ayaa lagu laayay ciidamo badan iyo saraakiil uu ku jiro Xasan Tuure. Lacago ayuu siin jiray taliyaal urur, taliyaal horin iyo kuwa kale, kumanaan kun ayuuna u diri jiray,” ayuu yiri siyaasiga Maxamed Cabdi Waare.

Intaas kadib wasiir Jaamac oo la hadlayay ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa soo jawaabay, wuxuuna tilmaamay in dadka kasoo horjeedo ee eedeynayo ay ku hadlayaan af Khawaarij, ayna ka soo horjeedaan howlgallada socda.

“Waxaa nalaga rabaa inaanan dheg jalaq u siin wax walba oo xun iyo eray walba oo xun oo kasoo yeeraayo Khawaarijta, iyaga oo soo marinaayo af Khawaarij, iyaga oo soo marinaayo dad isku ekeysiinaayo dad adiga kuu naxaayo ama qarankaan u naxayo” ayuu yiri Jaamac.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxaa nalaga rabaa inaan isku dhaarsano annaga oo xor ah iyo dalkeenna oo xor ah wax ka sokeyso oo na qancinaayo inaynan jirin”.

Cabduqaadir Maxamed Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay ka wasiir ahaan ka go’an tahay in dalka oo dhan laga ciribtiro kooxda Al-Shabaab.

“Annaga kaliya waxaan u taaganahay in Khawaarij dalka aan ka sifeyno fasiraaddii doono haloo sameeyo ciddii doonto waxa ay rabto haku tiraahdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

The post Wasiirka gaashaandhigga oo soo jawaabay: Warkooda waa af-Khawaarij appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this