Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Taani oo Nidar ku maray inuu Hor Socon Doono Ciidamada Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliye Taani oo Nidar ku maray inuu Hor Socon Doono Ciidamada Qaranka

Hargeysa(Qaran news)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa nidar ku maray inuu horsocin doono ciidamada Qaranka ee difaaca ugu jira sugida xudduudaha Somaliland.

Taliye Nuux wuxuu sidaas ka sheegay mar uu maanta kula hadlayey magaalada Oog, kumanaan askari oo hadda ka soo baxay xeryaha tababarka ciudanka Qaranka, wuxuuna sheegay inuu ku kalsoon yahay dhismaga iyo kartida ciidanka Qaranka.

Taliyuhu wuxuu sheegay in hadda kadib uu isagu hor socon doono ciidamada qaranka marka ay is haleelaan furimaha cadowga ku soo duulay gobolka Sool.

Waxaanu ciidamadaas ku booriyay inay karti iyo awood hor leh ku soo kordhiyaan ciidamada Qaranka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this