Sign in to follow this  
Deeq A.

Waraaqda cafiska xukuumaddu soo saartay caawa waxay u qornayd sidan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland oo Cafis u Fidisay Maleeshiyadii Buurta Gacan Libaax

Hargeysa(Qaran)- Xukuumadda Somaliland ayaa cafis u fidisay jabhadii Buurta Gacan Libaax.

Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Wasiir kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed.

Cafiskan ayaa qayb ka ah Qoddobadii qaraarkii ay soo saareen guddida ergada madax dhaqameedka beesha bariga Burco; waxana ku jiray in xukuumaddu ay cafis u fidiso jabhada Gacan Libaax, si iyagana loo kala diro oo looga soo dejiyo Buurtaas ay kala soo dagaalamayeen Xukuumadda.

Sidoo kale jabhadan ayaa la sheegay in maalmihii u dambeeyay ay kala tageen oo waxgaradkoodu ka shaqeeyay arrintaas.

Waraaqda cafiska xukuumaddu soo saartay caawa waxay u qornayd sidan:

IMG-20230905-WA0012.jpg

IMG-20230905-WA0013.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this