Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG cusub oo ku saabsan khilaafka wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga

Recommended Posts

Deeq A.   
Jaamac-Ibraahim.jpeg?fit=2500%2C1500&ssl

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo khilaafka ka dhex qarxay wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka.

Generaal Tuuryare ayaa xog ka bixiyay sida uu ku billowday khilaafka, wuxuuna sheegay in labada nin ay isku qabteen arrimo la xiriira dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

“Xilliyada dagaalka lagu jiro si ayaa loo dhaqmaa xilliga nabadda aan loo dhaqmin, waxaa laga yaabaa in xilliyada dagaalka qof shaqo uu lahaa in la wada qabto, isla qabashadii shaqada iyo daruufo jiro oo ciidamada kala duduwan mushaaraadkooda ku saabsan arrimahaas ayaa laga yaabaa, sida aan wararka ku helaayo in khilaafka uu ka dhacay” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka uu sii socon karin, ayada oo aan la xalin khilaafka labada nin oo uu tilmaamay in laga rabo golaha wasiirada iyo madaxtooyada.

“Golaha wasiirada ayay xal uga baahan tahay, madaxtooyada xal ayay uga baahan tahay waxaas oo jirana dagaal masii socon karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Tashwiish ayaa lagala dhex-geliyay ciidamada oo la leeyahay wasiirkii iyo waxaa isku dhacsan taliyaha oo aan is leeyahay anigu wax weyn ma jiraan”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday sababta keentay in dib looga soo baxo deegaanada qaar ee la xoreeyay, wuxuuna qiray inuu jiro khalad weyn oo la sameeyay, kadib weerarkii Cowswayne oo khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

Tuuryare ayaa xusay in laga gaabiyay sahaydii ciidanka, sidoo kalena deegaanada qaar laga soo saaray, ayada oo aan laga fiirsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Saraakiil si khaldan u dhaqantay way jiraan oo ciidamdii meelo aan loogu talagelin kasoo saartay, waxaa kamid ah saraakiil daryeel ay ciidanka u baahnaayeen oo la heli karay oo ciidanka aan gaarsiinin, kuwo inay gurmadaan loogu talagalay oo aan gurman waxyaabo badan ayaa iskaashaday” ayuu kusii daray wareysiga uu siiyay Idaacadda VOA-da.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan abaabulkii ugu xooganaa ee dagaalka Al-Shabaab uu ka socdo degmada Maxaas oo uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

The post XOG cusub oo ku saabsan khilaafka wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha xoogga appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this