Suldaanka Posted October 10, 2005 The Sub-Saharan Informer (SSI) reported recently that the Ethiopian born Saudi magnate and business man Shiekh Mohamed Al-Amoudi's investment arm- MIDROC will make substantial investment to Port of Berbera. Shiekh Al Amoudi a friend of Meles Zenawi, is the single biggest investor in Ethiopia taking over most of the state-owned enterprises during their privatisation process in the mid 1990s. ---- Addis Ababa, October 9, 2005, (Haatuf) – War uu shalay daabacay Wargeyska Sub-Saharan Informer ayaa lagu sheegay in maal-qabeenka caanka ah ee Al-Camuudi ee u dhashay Sucuudigu uu maal-gelin balaadhan ku samayn doono dekeda Berbera, si kor loogu qaado tayada adeegeeda. Talaabadaas oo sida Wargeysku sheegay in la filayo inay la jaan-qaado hirgelinta heshiiskii ay Somaliland iyo Itoobiya wada gaadheen bishii May ee sannadkan, kaasoo ku saabsanaa sidii ay Itoobiya u isticmaali lahayd dekeda Berbera oo ay waxna ugala soo degi lahayd, waxna uga dhoofsan lahayd, iyada oo la filayo in maraakiib sida shixnadihii u horeeyey ee u socda Itoobiya inay ku soo xidhaan marsada caalamiga ah ee Berbera labada todobaad ee soo socda. Dhinaca kale Midawga Yurub ayaa sagaalkii bilood ee u dambeeyey ku hawlanaa deraasad lagu eegayo habkii wax looga qaban lahaa wado isku xidha dekeda Berbera iyo Itoobiya oo dhererkeedu yahay 887km. Jidkaas oo intuu ka bilowdo dekeda Berbera isku mari doona Wajaale, Jig-jiga ilaa Diri-Dawa. Waxaana deraasadaa oo ay waday shirkad la yidhaa Louis Berger la filayaa in la soo gebagabeeyo labada bilood gudahood, iyada oo dabadeedna u Midawga Yurub sii dayn doono lacagtii lagu fulin lahaa dhismaha jidka isku xidhka Somaliland iyo Itoobiya (Berbera Corridor). Ku xigeenka madaxa xafiiska Midawga Yurub ku leeyahay Itoobiya Jean-Pierre Pierad ayaa sheegay in mashruuca Berbera Corridor uu ka mid yahay siyaabaha la doonayo in lagu yareeyo saxmada iyo culayska ka jira dekeda Djibouti. Quote Share this post Link to post Share on other sites