Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Xamza oo 4 qodob kala hadlay QATAR + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
374642663_660795049482978_22315200382711

Dooxa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay magaalada caasimada ah ee Dooxa, kuwaas oo la leeyahay madaxda wadankaasi.

Xamza ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaaray 4 qodob oo kala ah xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal, ciribtirka Al-Shabaab, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Qatar sida ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,

Sidoo kale wuxuu ku boggaadiyay mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgelisay Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dhismaha jidadka, xarumo dowladeed iyo taageerada dhismaha ciidamada qalabka sida.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe iyo masuuliyiin kale.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha carbeed ee taageera Somalia, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

Xukuumadda Dooxa ayaa sidoo kale taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo sida dhismaha waddooyinka, halka kuwa kalena haatan la dhammeystiray.

370358973_660794639483019_72163721900900 370380386_660794812816335_47902707611844 374441736_660794962816320_39678436418557 374514076_660794419483041_89747961121294 374559762_660794616149688_64256602268301 374567618_660820202813796_17321285089275 374642663_660795049482978_22315200382711 374865891_660794536149696_31947815618980

The post R/W Xamza oo 4 qodob kala hadlay QATAR + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this