Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyay in la xir-xiray saraakiil kadib markii ay gaysteen

Recommended Posts

Deeq A.   
375066303_722323149938827_16821997406473

Maxaas (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa maanta booqasho ku tegay xerada ay ku jiraan ciidamada Guutada Cali binu Abiidaalib.

Madaxweynaha ayaa khudad dheer u jeediyay ciidamadaas oo loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo sheegay in laga rabo inay dalkooda xoreeyaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kula dardaarmay in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay usoo gabagabayn-lahaayeen wejiga koowaad ee dagaalka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha boggaadiyay guulaha haatan laga gaaray dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxda Al-Shabaabm wuxuuna sheegay in laga saaray dhul balaaran.

“Maanta waa guuleysanay bal eeg meesha aan joogno iyo meesha laga soo bilaabay howlgalka” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, madaxweynaha oo ka hadlayay howlgallada ayaa uga digay ciidamada inay sameeyaan khaladaad uu tilmaamay inay dib u dhigi karaan horumarka howlgallada, isaga oo xusay in haatan lasoo xir xiray saraakiil uu sheegtay inay geysteen dambiyo.

“Maanta saacadaas aan idin la hadlaayo waxaa xiran niman saraakiil ah oo shalay lasoo qabtay, qaar kalena saaka ayaa lasoo xiray dambi ay geysteen ayaana loo xiray” ayuu yiri.

Inkastoo oo uusan shaacin waxa loo haysto saraakiishaas, haddane madaxweynaha ayaa tilmaamay lasoo taagi doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

“Maxkamadda milatariga waxa ay siiso ayay yeelanayaan, kaan dambi laheyna waa lasii deynayaa” ayuu hadalkiis sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, kadib tuhunkii ka dhashay weerarkii xooganaa ee ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Cowswayne, kaas oo dhaliyay khasaare xoogleh.

The post Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyay in la xir-xiray saraakiil kadib markii ay gaysteen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this