Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Waare oo wasiirka gaashaandhigga ku eedeeyay inuu ciidanka u shirqoolay…

Recommended Posts

Deeq A.   
Waare.jpeg?fit=1080%2C754&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee  maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa eedeyn culus u jeediyay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Waare oo haatan ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan ilaalinta rayidka ee goobaha colaadaha ayaa waxa uu wasiirka gaashaandhigga ku eedeeyay inuu masuul ka yahay askartii iyo saraakiishii ay Shabaab ku dishay weeraradii Galcad iyo Cowswayne.

Waxa uu sheegay in wasiirka uu ciidanka shirqool dhexda ka galiyay, kadib markii uu amaro qaldan uu bixiyay, isagoo hareer maraya taliyayaasha xoogga dalka, taasi oo keentay in halkaasi lagu laayo ciidamo iyo saraakiil, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasiirka gaashaandhigga amaro qaldan oo uu bixiyay ayaa lagu laayay ciidamo badan iyo saraakiil uu ku jiro Xasan Tuure. Lacago ayuu siin jiray taliyaal urur, taliyaal horin iyo kuwa kale, kumanaan kun ayuuna u diri jiray,” ayuu yiri Waare.

“Wasiirka waxa uu sameyna in taliyihii ciidanka amar uu bixiyay uu dhaho beentiis waaye, wuxuu sameynayaa madaxweynaha inuu been farriimo oo uu yiraahdo madaxweynaha ayaa sidaas yiri amarkiisa waaye. Wasiirka amarro uu bixiyay, kuwa qaldan oo baxay inuu joojiyo aheyd iyo xog qaldan oo madaxweynaha siiyay ayaa Xasan Tuure iyo ciidankii Danab ku baaba’een Galcad.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in wasiirka gaashaandhigga uu ka dhego adaygay tallooyin ay bixiyeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka, oo iyagu soo jeediyay in aan ciidamada la dejin meelaha laga soo weerari karo, ee aysan ka heli karin gurmad ciidan.

“Taliyihii nabad-sugidda iyo guddoomiyihii ciidamada milateriga xog iyo amar uu asiga bixiyay in halis daqiiqado ah u galeen in naftooda la waayo, sidaas daraadeed aniga kama aamusi karo. Naf ayaa lagu khamaara,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Waare oo Wasiir Jaamac ku eedeeyay in xog qaldan uu bixiyay halis galisay Taliye Mahad salaad iyo Xasan Cali nuur Shuute.

Marka laga imaado eedeyntan culus ee Waare u jeediyay wasiirka gaashaandhigga, sidoo kale waxa uu wareysiga bixiyay ku sheegay in beesha Mogadishu Clan aysan diyaar u aheyn dagaalka Al-Shabaab, maadaama dhexdooda aysan isku mowqif ka aheyn dagaalka socda, sida uu sheegay.

“Dad inay yiraahdaan wiilkii ila dhashay ee Shabaab-ka ahaa ayaan qooraha iyo madaxa kasoo jaraynaa, dadna ninkii qaraxyadii lagu xasuuqmay ka dambeeyay ay isku sawiraan, yiraahdaana anigaa wasiirkiisa iyo xildhibaankiisa ah,” ayuu yiri Waare.

Waxa uu intaas kusii daray “Dadkaas miyaa isku mid noqon kara oo daacad ay ka wada tahay la dagaalanka Khawaariijta Al-Shabaab.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in joogitaanka madaxweynaha ee furimaha dagaalka aysan waxba soo kordhineyn haddii buu yiri sida ugu dhaqsaha badan wax looga beddelin sida ay hadda wax u socdaan oo uu dhaliilay.

Hoos ka daawo muuqaalka;

The post Daawo: Waare oo wasiirka gaashaandhigga ku eedeeyay inuu ciidanka u shirqoolay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this