Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo bishan u safraya Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693904028639.jpg?resize=720%2C40

Sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah, hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi , Kim Jong Un ayaa qorsheynaya inuu bishan u safro Ruushka , si uu ula kulmo madaxweyne , Vladimir Putin.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadli doona suurtagalnimada in Kuuriyada Waqooyi ay hub siiso Ruushka , si ay u taageeraan dagaalka ka socda Ukraine.

Lama shaacin goobta ay madaxda u qorsheeyeen inay ku kulmaan. Ilaha xogtan laga helayo ayaa wargeyska New York Times u sheegay inay jirto suurtogalnimo sare oo Kim ku safri doono isagoo isticmaalaya tareen milateri.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, John Kirby ayaa sheegay in Wasiirka Difaaca Ruushka uu dhawaan tagay Kuuriyada Waqooyi , si uu isugu dayo in uu ku qanciyo Pyongyang in ay hub ka iibiso Ruushka.

Dhawaan Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in uu hayo xog cusub oo ku saabsan in wadahadallada u dhaxeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ay sii socdaan, waxaana labada hoggaamiye ay warqado u qorayeen midba midka kale, waxaana ay ballan qaadeen in ay kordhinayaan iskaashiga.

PUNTLAND POST

The post Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo bishan u safraya Ruushka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this