Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo Maanta ansixiyay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka PEC

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693906629119.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,  oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismail Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 20-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 40 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta Xubnaha magacaaban ee Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC sida uu qabo qodobka 113-aad Farqadiisa 1aad, Xarafka X iyo Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 39 Xildhibaan, Diidmo 1, cid ka aamustayna ma jirin.

Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC, waxaana dhaariyey Garsoore ka socda Maxkamadda sare.

Xubnaha ayaa kala ah;

1. Fu’aad Abshir Axmed

2. Axmed Jaamac Maxamed

3. Axmed Maxamuud Cumar ( KK )

4. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keytoon)

5. Maxamed Abshir Garaad

6. Maxamuud Soofe Xassan

7. Cabdullahi Maxamed Barre ( Caato)

8. Marwo Faadumo Siciid Axmed

9. Cabdinuur Maxamuud Maxamed Ubbaale

Dhinaca kalena, waxaa maalinta sabti 9ka bisha September si rasmi ah loo dhammeystiri doonaa xubnaha kale ee Xisbiyadda Siyasadeedka Puntland kuwaa oo codsi ay soo gudbiyeen horay ugu codsaday in wakhti dheeraad ah la siiyo.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Puntland oo Maanta ansixiyay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka PEC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this