Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo qorsheynaysa in fiisa la’aan dalkeeda lagusoo galo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Kenya William Kipchirchir Samoei arap Ruto ayaa sheegay in waddankiisu uu “si dhab ah uga fikirayo in gebi ahaanba meesha laga saaro dal ku galka” looga baahan yahay ajaaniibta muddo dhowr bilood gudahood ah.

William Ruto waxa uu sheegay in Kenya ay tahay asalka bini’aadamka, sidaa darteedna ayna cadaalad ahayn in dadka soo booqda la weydiiyo dal ku gal maadaama ay gurigoodii imanayaan.

“Meelo dhowr kiilo mitir uun u jirta halka aad fadhidaan hadda, ayey saynisyahannadu ogaadeen oo ka heleen hadhaagii ugu horreeyay ee bini’aadamka ee dhulka. Si kale haddii loo dhigo, waa halka ay bani-aadminimadu ka billaameen. Sidaa darteed, ii oggolaada inaan guriga idinku soo dhaweeyo. Dhowr bilood gudahood, waxaan si dhab ah uga baaraan-degeynaa inaan baabi’inno shuruud kasta oo fiisa ah, sababtoo ah waa cadaalad darro in qof kasta oo gurigiisa imaanaya la weydiiyo fiisaha,” ayuu yidhu madaxweyne William Ruto Isniintii, isagoo ka furayay magaalada Nairobi shir madaxeedka cimilada Afrika oo ay kasoo qayb galeen madax Afrikaan ah iyo wufuud caalami ah.

Tan iyo markii uu la wareegay xilka madaxtinimada bishii Sebtembar ee sannadkii tagey Ruto wuxuu ka tanaasulay xannibaadaha fiisaha ee dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan Eritrea, Djibouti, Comoros, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Indonesia.

Madaxweyne Ruto ayaa hore u sheegay in maamulkiisu uu doonayo in uu meesha ka saaro caqabadaha fiisaha ee dhammaan dalalka Midowga Afrika.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this