Sign in to follow this  
Deeq A.

Fanaankii Soomaaliyeed ee Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1693891864517.jpg?resize=720%2C40

Waxaa magaalada London ee carriga dalka UK ku geeriyooday fanaankii weynaa, Allah ha u naxariistee Axmed Naaji Sacad.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu uga tacsiyeeyey ehelada, qaaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliya, geerida naxdinta leh ee ku timi fanaankii weynaa Marxuum Axmed Naaji Sacad.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marxuumka ku tilmaamay inuu kaalin weyn ugu jiray fanka Soomaaliyeed, isaga oo doorweyn ka soo ciyaaray sare u qaadida fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo uu ka mid ahaa tiirarkiisa waaweyn.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, iyo madax kala duwan oo kale ayaa iyaguna tacsi u diray ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Fanaankii Soomaaliyeed ee Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this