Sign in to follow this  
Gabbal

The entity in Kismaayo has sent the sister of the Ugaas of beesha Gedo to prison.

Recommended Posts

Gabbal   

Maleeshiyadii Goobaale Iyo Seeraar Oo Xabsiga Dhigay Xaawo Ugaas Faarax Oo La Dhalatay Ugaaska Beesha SADE

Sep 29,2006

by Kismaayo-Gedo News Network

Maleeshiyo beeleedkii maxkamadaha oo ka amarqaata Yusuf Mire Seeraar iyo Maxamed Jimcaale Rooble (Goobaale) ayaa maanta xabsiga u taxaabay Xaawo Ugaas Faarax oo ayadu la dhalatay ugaaska Beesha SADE.

 

Maleeshiyada labadan nin oo laga yaqaanay magaalada Kismaayo oo dhowaan ku biiray maleeshiyo beeleedkii maxkamadaha ee ka yimid magaalada Muqdisho ayaa saaka ayaga oo cimaamado guduudan xiran ay subaxii hore weerar ku qaadeen guriga ay Xaawo Ugaas Faarax ay ka degganayd magaalada Kismaayo, iyada oo lagu eedeeyey inay ka dambeeysay mudaaharaadyo looga soo horjeedo maleeshiyo beeleedkii Yuusuf Indhacadde iyo ninka lagu magacaabo Xasan-Turki oo falal argagixiso ku hayo shacabka magaalada Kismaayo.

 

Dad badan ayaa isugu baxay maanta hoyga Xaawo Ugaas Faarax ayaga oo si weyn ugu caraysan sida binaadinimada ka fog ee loola dhaqmay, kana baxsan shareecada islaamka iyo dhaqanka soomlidaba. Dadaalo badan ayaa soconaya oo la doonayo in lagu sii daayo Xaawo Ugaas Faarax iyo dhamaan haweenka ee dhowaanta lagu xirxiray magaalada Muqdisho.

 

Haween gaaraya ilaa iyo 26 ayaa ilaa iyo hadda ku xiran magaalada Kismaayo kuwaasoo dhamaantood lagu soo eedeeyey inay masuul ka yihiin banaabaxyadii looga soo horjeeday maleeshiyo beeleedkii dhowaan qabsaday magaalada Kismaayo. Haweenka xirxiran ayaa dhamaantood loo diiday inay arkaan eheladoodii, iyada oo aan la ogeyn goobta iyo xaalada ay ku sugan yihiin.

 

Kismaayo-Gedo News Network

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this