Gabbal Posted September 29, 2006 Maleeshiyadii Goobaale Iyo Seeraar Oo Xabsiga Dhigay Xaawo Ugaas Faarax Oo La Dhalatay Ugaaska Beesha SADE Sep 29,2006 by Kismaayo-Gedo News Network Maleeshiyo beeleedkii maxkamadaha oo ka amarqaata Yusuf Mire Seeraar iyo Maxamed Jimcaale Rooble (Goobaale) ayaa maanta xabsiga u taxaabay Xaawo Ugaas Faarax oo ayadu la dhalatay ugaaska Beesha SADE. Maleeshiyada labadan nin oo laga yaqaanay magaalada Kismaayo oo dhowaan ku biiray maleeshiyo beeleedkii maxkamadaha ee ka yimid magaalada Muqdisho ayaa saaka ayaga oo cimaamado guduudan xiran ay subaxii hore weerar ku qaadeen guriga ay Xaawo Ugaas Faarax ay ka degganayd magaalada Kismaayo, iyada oo lagu eedeeyey inay ka dambeeysay mudaaharaadyo looga soo horjeedo maleeshiyo beeleedkii Yuusuf Indhacadde iyo ninka lagu magacaabo Xasan-Turki oo falal argagixiso ku hayo shacabka magaalada Kismaayo. Dad badan ayaa isugu baxay maanta hoyga Xaawo Ugaas Faarax ayaga oo si weyn ugu caraysan sida binaadinimada ka fog ee loola dhaqmay, kana baxsan shareecada islaamka iyo dhaqanka soomlidaba. Dadaalo badan ayaa soconaya oo la doonayo in lagu sii daayo Xaawo Ugaas Faarax iyo dhamaan haweenka ee dhowaanta lagu xirxiray magaalada Muqdisho. Haween gaaraya ilaa iyo 26 ayaa ilaa iyo hadda ku xiran magaalada Kismaayo kuwaasoo dhamaantood lagu soo eedeeyey inay masuul ka yihiin banaabaxyadii looga soo horjeeday maleeshiyo beeleedkii dhowaan qabsaday magaalada Kismaayo. Haweenka xirxiran ayaa dhamaantood loo diiday inay arkaan eheladoodii, iyada oo aan la ogeyn goobta iyo xaalada ay ku sugan yihiin. Kismaayo-Gedo News Network Quote Share this post Link to post Share on other sites