Sign in to follow this  
Deeq A.

Hubanti la’aan weli ka taagan Puntland iyo baarlamaanka oo tallaabo qaadaya

Recommended Posts

Deeq A.   
Garoowe-696x391.jpg?fit=696%2C391&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa weli maamulka Puntland ka taagan khilaaf iyo hubanti la’aan salka ku haysa nooca ay u qabsoomi doonto doorashada madaxtinimada maamulkaasi ee 2024-ka.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa wada qorshe doorasho oo qof iyo cod ah, kaasi oo ka biyo diidan yihiin mucaaradka Puntland, oo u arka inuu madaxweynaha ka leeyahay qorshahaasi damac muddo kororsi.

Deni ayaa bishii hore shaaciyay in doorashada madaxtinimada Puntland lagu qaban doono hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod, islamarkaana ay ku qabsoomi doonto xilligeeda rasmiga ah, oo dib u dhac jiri doonin, sida uu sheegay.

Mucaaradka oo diidan qorshaha uu wado Deni ee doorasho qof iyo cod ah ayaa soo jeediyay in lagu laabto hanaankii hore ee lagu doortay madaxweynaha hadda muddo xileedkiisu sii dhamaanayo.

Ismari-waaga labada dhinac ayaa weli taagan, mana jiro xal siyaasadeed oo laga gaaray khilaafka dhinac, ayada oo maanta la filayo in Baarlamaanka Puntland uu ansixiyo xubnaha cusub ee guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC.

PEC ayaa u qaabilsan maamulka hirgelinta doorashada hannaanka qof iyo cod, taasi oo aan weli dhinacyadu isku raacin, ayna siyaasiyiinta mucaaradka u arkaan mid uu qorshe kale ku hoos wato Saciid Deni, oo gadaal ka riixaya arrintaan.

Inkasta oo aysan hadda cadeyn nooca doorasho ee Puntland aadi doonto 2024, haddana dadka siyaasadda ka faallooda ayaa aaminsan in aysan wakhtiga harsan suurta-gal ahayn doorasho qof iyo cod ah.

Guddiga doorashooyinka ee baarlamaanka Puntland ansixin doono ayaa wax kasoo magacaabay madaxweyne Saciid Deni, xilli baarlamaanka Puntland uu kal hore cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay ansixinta wax-ka-bedelka Dastuurka dowlad-goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxay markaas isku raaceen in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada ay ku yimaaddaan oo lagu soo doorto doorasho qof iyo cod ah.

Si kastaba, Golaha baarlamaanka dhexdiisa ayaa si weyn isugu khilaafsana in dastuurka wax laga beddelo, halka qaar kamid ah dhaqanka Puntland ay madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala hadleen in aanay wax tallaabo ah qaadin, inta ay xal u raadinayaan khilaafka ka taagan doorashada, hase yeeshe taasi ma dhicin.

The post Hubanti la’aan weli ka taagan Puntland iyo baarlamaanka oo tallaabo qaadaya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this