Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Mudullood oo laba arrin ka codsatay beesha caalamka kadib gadoodkii…

Recommended Posts

Deeq A.   
Imaamka.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelweynta Mudullood oo ku shirtay magaalada Muqdisho ayaa codsi gaar ah u dirtay beesha caalamka, gaar ahaan guddiga amniga ee Qaramada Midoobey, wuxuuna shirka beesha diiradda saarayey dagaalka Al-Shabaab.

Beesha ayaa labo ka mid ah lix qodob oo shirkaas ka soo baxday baaq ugu dirtay beesha caalamka, iyagoo go’aan ka gaaray sidii ay Shabaab uga xoreysa lahaayeen dhulkooda, ugana difaaca lahaayeen hadii ay mar kale ka soo baxaan ciidamada dowladda.

“Beesha Mudulood waxay guddiga Amniga ee Qaramada Midoobey ugu baaqaysaa inay dowladda Soomaaliya ka qaadaan cunaqabateynta hubka, si looga adkaado argagixisada,” ayaa lagu yiri qodobkaan oo qeyb ka ahaa war-murtiyeedkii ka soo baxay shirka beelaha Mudulood.

Sidoo kale beesha oo go’aansaday inay qaaraan iska uruuriso, si Shabaab dambe uusan u qabsan dhulkeeda ayaa beesha caalamka ka codsatay in dowladda Soomaaliya lagu garab istaago dagaalkaan adag ee kooxda ay kula jirto.

“Sidoo kale beesha Mudulood waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka inay kordhiyaan kaalmadooda iyo garab istaagooda dowladda Soomaaliya, si ay u soo gabagabeyso dagaalka ay kula jirto Khawaarijta oo mararka qaar u gudubta, dhibaatana ka geysata dalalka deriska la ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qodobkii 6-aad ee war-murtiyeedkii ka soo baxay shirweyn oo siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Mudulood ay ku yeesheen Muqdisho.

In la qabto shirkaas waxaa sababay jaha wareerkii ka dhashay go’aankii ay ciidamada dowladda uga soo baxeen magaalooyinka Ceeldheer, Cowsweyne, Galcad iyo deegaano kale oo beelaha Mudulood ay degaan.

Mudullood ayaa hadda isku dhaarsaday in deg deg loo xoreeyo dhulka ay Shabaab ka heystaan, intaas kadibna la isku tashado, xitaa hadii ciidamada dowladda ay mar kale gadoodaan oo furimaha soo baneeyaan.

Sidoo kale beeshaan waxay muujisay taageero buuxda oo dowladda iyo ciidamada ay la garab taagan tahay, waxayna qirtay in dowladda ay heyso dhaqaaleyari baahsan, xili ay dagaal adag kula jirto Al-Shabaab, waxayna isku qoreen qaaraan, si loo fududeeyo sahayda dagaalka.

The post Beesha Mudullood oo laba arrin ka codsatay beesha caalamka kadib gadoodkii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this