Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Cimilada Qaarada Afrika oo Lagu Qabanayo Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)-Hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika ayaa toddobaadkan ku kulmaya Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qayb-galayaan shirka Cimilada ee qaaradda Afrika. Waxaana shirkaasi qayb ka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirkan ayaa la filayaa in lagaga hadlo sidii loo yarayn lahaa qiiqa hawada lagu sii daayo iyo sidii loola qabsan lahaa dhibaatooyinka sii kordhaya ee Isbadelka Cimiladda.

Shirkan oo bilaabmaya 4 Bisha September oo bari ku beegan, socona doona ilaa lixda bisha waxa ka qayb-gali doona siyaasad-dajiyayaal, hogaamiyayaal ganacsi iyo u dhaq-dhaqaaqayaal deegaan oo ka kala yimi dhammaan qaaradda.
Furitaanka shirkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu sare u kac ku yimi heer-kulka Afrika marka loo eego meelo badan oo caalamka ah, sababo la xidhiidha dhacdooyin cimilo oo aad u daran iyo abaaro daba dheeraaday oo ay qaaradu la kulantay, taas oo keentay cunno yari baahsan.
Ugu dambayn qaaradda afrika ayaa wax ka yar 3 boqolkiiba ku leh wadarta guud ee qiiqa hawada lagu sii daayo, waxaana la filayaa in hoggaamiyayaasha qaaradu ay sare u qaadaan baaqyada ku aaddan helida taageero dhaqaale oo wax lagaga qabto dhibaatooyinka isbadelka cimilada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this