General Duke Posted August 8, 2009 Gaalkacyo(AllPuntlan d)- Gudiga Amniga Qaran Puntland ayaa ku soo rogey magaalada Gaalkacyo xaalad deg deg ah, markii uu faraha ka baxay amaanka magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug. Gudiga amaanka ayaa xaaladan deg deg ah waxa ay ucuskadeen xeerar kala gedisan oo ay ugu horeeyaan sugida amaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa amaanka magaalada Gaalkacyo oo faraha ka baxay mudooyinkii ugu dambeeyey. Wasiirka Amniga ee Puntland Jen. C/laahi Siciid Samatar ayaa kaga dhawaaqay talaabadan Hotelka ay degan yihiin Madaxda dowladda Puntland, wuxuuna sheegay in sidoo kale bandow uu jiro kaasoo bilaabaya 08:00 Habeynimo ee saacada Soomaaliya, isla markaasna ay qaban doonaan cid kasta oo waqtigaasi socod ku jirta. Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay gudigu go’aan ka gaari doonaan xaaladaha magaalada Gaalkacyo oo ay ugu horeeyaan qaabka amaanka wax looga qabanayo, wuxuuna cadeeyey in ay ciidan badan ku soo kordhiyeen magaalada, kaasoo toos ubilaabaya qorshaha Bandowga iyo xaalada deg deg ah. Qaadashada Hubka, socodka dadka iyo gaadiidka, gadida Khamriga & dhamaanba waxyaabaha maanka dooriye, Bacaha lugu xiro Muraayadaha ee loo yaqaano Person-ka iyo qodobo kale ayaa lugu mamnuucay xaaladan deg deg ah. Taliye kuxigeenka ciidamada Booliska Puntland G/sare Cumar Saalax (Canjeex) ayaa sheegay in ay ciidamadu qaadi doonaan fulinta amaradii ka soo baxay gudiga amaanka ee dowladda Puntland, isagoo ugu baaqay Dadweynaha in ay daganaansho muujiyaan lana shaqeeyaan ciidamada amaanka. Madaxweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliya Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud ayaa dhisay gudiyo kala ah, gudiga amaanka Qaranka, gudiga howlgalinta ciidamada iyo gudiyo kale oo dhamaantood ka shaqeynaya amaanka magaalada Gaalkacyo. Gudiyadan waxaa la shaqeynaya gudiga Amniga gobalka Mudug oo horay ujiray, waxa ayna dowladda Puntland shaaca ka qaaday in ay waxyaabo badan ka qaban doonto gobalka Mudug oo noqday gobal ay inta badan ka dhacaan falal badan oo amaaro daro, isla markaasna ay ku wada nool yihiin dad badan. F. C. Maxamed AllPuntland, Hotelka Taar City Quote Share this post Link to post Share on other sites