Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo Ruushka kala hadlaya arrin saameyn culus ku yeelatay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Putin-Erdogan-scaled.jpg?fit=2560%2C1692

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayyip Erdogan ayaa rajo weyn ka muujiyey suurtagalnimada soo celinta heshiiskii Qamadiga ee Badda Madow, kaas oo gacan ka geystay in Qamadiga Ukraine la geeyo suuqyada, kaddib wadahadallo uu saacadihii lasoo dhaafay la yeeshay Madaxweyne Vladimir Putin.

Ruushka ayaa heshiiskan ka baxay bishii July – sanad kadib markii ay dhexdhexaadiyeen Qaramada Midoobay iyo Turkiga, isagoo ka cabanaya in dhoofinta cunnadiisa iyo caqabado soo wajahay bacrimiyeyaasha.

Dalalka Afrika ee sida weyn ugu tiirsan qamadiga ka yimaada Ruushka iyo Ukraine ee colaaddan ay saamaysay ayaa waxaa ka mid ah Somalia, Benin, Masar iyo Sudan, sida ay QM sheegtay.

Warbixin ay soo saartay QM ayaa lagu xusay in Somalia iyo Benin ay ka mid yihiin dalalka 100% ku tiirsan qamadiga dalalkaas ka yimaaada.

Soomaaliya ayaa Ukraine ka heshay 84,000 tan oo qamadi ah sanadkii 2022, ilaa 31,000 oo tan ayay ka heshay sanadkii ka horreeyay ee 2021, sida laga soo xigtay xogta ganacsiga ee Qaramada Midoobay, iyadoo deeq-bixiyeyaashu ay caawinaad ku garab istaageen si wax looga qabto macluusha ba’an ee ka jirta meelaha qaar.

Macluusha qeybo ka mid ah Geeska Afrika ayaa kasii dartay sanadkan, maaddaama xilli roobaadka la filayo inuu baaqdo sanadkii shanaad oo xiriir ah.

Erdogan, oo horay door muhiim ah uga cayaaray ku qancinta Putin inuu ku adkeysto heshiiska ayey hadana QM isku dayeysaa inay Putin ku qanciso inuu heshiiska ku laabto.

“Turkiga ahaan, waxaan aaminsannahay inaan gaari doonno xal muddo gaaban,” ayuu Erdogan yiri isagoo ku sugnaa hoteelka saaran Badda Madow ee Sochi kaddib kulankii ugu horreeyay ee fool ka fool ah ee uu la yeesho Putin tan iyo 2022.

Putin ayaa sheegay in Reer-Galbeedku ay weli xannibayaan wax dhoofinta iyo wax soo saarka beeraha Ruushka.

“Waxaan diyaar u noqon doonnaa suurtogalnimada soo celinta heshiiska madaxweynaha ayaana maanta u sheegay tan mar kale – waan sameyn doonnaa tan marka dhammaan heshiisyada qaadidda xayiraadaha wax soo saarka Ruushka si buuxda loo dhaqan geliyo,” ayuu yiri Putin isagoo garab taagan Erdogan.

Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay in qamadiga laga soo qaado Ukraine lana gaarsiiyo suuqyada iyadoo lasii marsiinayo Badda Madow iyo in wax laga qabto xasaradda cunnada ee adduunka oo ay QM sheegtay inay kasii dartay kaddib duullaankii Ruushka uu Ukraine ku qaaday bishii February sanadkii hore.

Ruushka iyo Ukraine waa labo ka mid ah dalalka ugu wax soo saarka badan dunida dhanka beeraha, waxayna qeyb weyn ku leeyihiin suuqyada qamadiga, shiciiriyadda, galleyda, saliidda canabka, miraha gabbal-dayaha iyo saliiddiisa.

Iyadoo dhoofinta cunnada iyo bacrimiyeyaasha Ruushka aysan quseyn cunaqabateynta Reer-Galbeedku soo rogay kaddib duullaankii Ruushka ee Ukraine, Moscow ayaa sheegtay in xayiraadaha lacagaha, farsamada iyo caymiska ay xagal-daaciyeen raridda badarka.

“Reer-Gabeedku waxay sii wadaan inay suuqyada adduunka ka xannibaan badarka iyo bacrimiyeyaasha Ruushka,” ayuu yiri Putin, isagoo intaa raaciyay in Galbeedku ay Ruushka ku “qiyaameen” heshiiska.

The post Turkiga oo Ruushka kala hadlaya arrin saameyn culus ku yeelatay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this