Sign in to follow this  
Deeq A.

Mustafe Cagjar oo Sheegay inay Somaliland leeyihiin Iskaashi Nabadgelyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga(Qaran news)-Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Itoobiya, Mustafe Maxamuud Cagjar ayaa sheegay in Somaliland uu ka dhexeeyo iskaashi amni oo ku wajahan la dagaalanka Argagixisada.

Mustafe Cagjar wuxuu sheegay inay Somaliland ka wada shaqeeyaan arrimaha xuduudaha iyo dagaalka ka dhan ah argagixisada.

Mustafe Cagjar wuxuu intaas ku daray in dagaalka ka dhacay Laascaanood aanay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ku lug lahayn, isla markaana dani ugu jirin bilowgii dagaalkaas iyo imikaba.

Ma cada waxa xiligani ka hadliyay Mustafe Cagjar hase ahaatee waxa xiligani la sheegayaa in ay dalkaasi ku suganyihiin xubno ka mid ah huwanta ka dagaalamaysa bariga gobolka Sool

Somaliland ayaa hore u sheegtay inay dagaalka Laascaanood ay ka qaybgaleen rag ka soo jeeda deegaankaas oo qaarkood lagu qabtay dagaaladii Laascaanood ku dhex maray ciidamada Qaranka Somaliland iyo huwanta Laascaanood.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this