Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda ku Dhaliilay si xun u Adeegsiga Gaadiidka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda ku Dhaliilay si xun u Adeegsiga Gaadiidka Dawladda

Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Arrimaha bulshada Xisbiga WADDANI Maxamed-sidiiq Dhamme, ayaa ku eedeeyay Xukuumadda si xun u isticmaalka Gaadiidka Dawladda.

Xoghaye Sidiiq Dhamme wuxuu sheegay in miisaaniyadii kalhore ay ku jireen iibsiga 45 baabuur oo nooca raaxada ah, waxaanu tilmaamay in gaadiidka dawladda aan la dhawrin oo hadh iyo habeenba la tooncinayo.

Wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiusa Facebook oo u qornaa sidan:-
“Miisaaniyaddi 2022 waxa ku jiray iibka 45 Gaadhi oo ah Gawaadhi raaxo iyo kuwo qaali ah, qiime ahaan Lacagta lagu kharash gareeyay Sannadkaa waxay dhammayd $1,529,068 Sannad kasta waxa ku jira Miisaaniyada iib Gaadiid.

Waxa nasiib darro ah in aan xil la iska saarin Gaadiidka Dawladda oo aan lagu koobin isticmaalkooda Saacadaha shaqada, waxaad arkaysaa Habbeen iyo Maalin Gawaadhi Dawladeed oo loo isticmaalayo si shakhsi ah, Lacagtaa Malaayiinta Dollar ah maxaa loo khasaarinayaa ?.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this