Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mid ah laba ardaa ee ku diriray Ceel Afweyn oo Xabad Joojin ku Dhawaaqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid ka mid ah laba ardaa ee ku diriray Ceel Afweyn oo Xabad Joojin ku Dhawaaqday

Ceerigaabo(Qaran news)- mid ka mid ah labada beelood ee shaqaaqadu ku dhex martay Ceel Afweyn ayaa sheegay inay ku dhawaaqayaan xabad joojin iskood ay u qaateen.

Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha East Burco Clan ayaa sheegay inay fuliyaan xabad joojintii xukuumaddu ku dhawaaqday waxaanay beesha kale ee ay walaalaha yihiin ugu baaqeen nabad iyo wadahadal in lagu furdaamiyo shaqaaqadii halkaas ka jirtay.

Waxa odayaashaasi sheegeen in xabad joojintu ay horseedayso nabadgelyo buuxda oo lagu soo celiyo deegaanka Ceel afweyn ee ay labada ardaa ee walaalaha ahi wada degan yihiin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this